Qeybtii ugu horeysay ciidamo uu dalbaday Farmaajo oo ka soo degay garoonka Aadan cadde

Ugu yaraan labo boqol oo askari oo ka tirsan ciidamada dowlada Ugandha ayaa maanta ka soo degay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo aan ka mid aheyn AMISOM.

Ciidamadan ayaa la sheegay iney qeyb ka yihiin dalab uu dhowaan Madaxweyne Farmaajo u gudbiyey dalalka Ugandha, Itoobiya iyo Jabuuti oo ku aadanaa iney u soo diraan ciidamo ka qeyb qaata dagaal dowladu iclaamisay in dalka looga sifeynayo Al-Shabaab.

Wararka naga soo gaaraya garoonka dayuuradaha Aadan cadde ayaa sheegaya in ciidamadan ka yimid Ugandha oo labo duulimaad la socday aysan xirneyn calaamadaha astaanta u ah ciidamada Midowga Afrika, ayna wateen oo kaliya dareyska lagu yaqaano milateriga Ugandha.

Afhayeen u hadley ciidanka Ugandha ayaa sheegay in ay diyaariyeen askar gaareysa 5,000 kun oo askari kuwaasoo ka qayb qaadan doona gulufka milateri ee Al-Shabaab looga saarayo dhulka ay ku sugan yihiin, waxaana qeybaha kale ee ciidamadan la soo daad gureyn doonaa maalmaha soo socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com