RW Kheyre oo kashifay xiriirka wada shaqeyn ee ka dhexeeya isaga & Madaxweynaha (Daawo Sawirro)

Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre oo xalay ka qeyb galay kulan loogu magac daray Kacdoonka Nabadda oo ay soo qabanqaabiyeen dhalinyarro Soomaaliyeed.

Waxaa kulankan loogu baroor diiqayey dadkii ku waxyeeloobay musiibaddii 14kii Oktoobar ka dhacday Isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho, waxaana kulanka sidoo kale ka qeyb galey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda federaalka dhalinyaro iyo qaar kamid ah ururada bulshada.

Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa munsaabaddab ka sheegay in isbadal dhanka horumarka ah Soomaaliya ay hiigsaneyso, isagoo xusay in dhalinyararada ay yihiin laf dhabarka Qaranka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali kheyre, ayaa dhalinyaraddii soo qaban qaabisay munaasabadda Kacdoonka Nabadda uga mahad celiyey doorkooda ku aadan Isxilqaanka ay muujiyeen, isagoo ku boggaadiyey sida ay u muujiyeen dareenkooda ku aadan musiibadii Zoobe iyo siddii ay uga fal celiyeen, waxaana uu xusay in Dhalinyaradda hadda ay u soo jeesteen wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira dalka iyo garab istaaga dowlada.

Kheyre ayaa sheegay in mudadii 8da bilood aheyd ee uu Xafiiska joogay uusan wax khilaaf ah dhexmarin isaga iyo Madaxweynaha muranna uu soo kala dhex gelin, arrintaasoo uu ku tilmaamay inay tahay dhaqan ku cusub Siyaasada dalka iyo dhagaha shacabka Soomaaliyeed, maadaama horey loogu arki jiray dowladihii hore Madaxda ugu sarreysa ee dalka oo arrimo siyaasadeed isku khilaafay.

Waxaa uu sheegay in miisaaniyada 2018 ee maanta Golaha wasiiradda ansixiyeen markii ugu horeysay lagu soo daray lacago loo qoondeeyey tayeynta waxbarashada, Caafimaadka iyo Afka Soomaaliga, waxaana uu xusay in dowladdu ay sanadka soo socda dhisi doonto Akadeemiyad Afka Soomaaliga u gaar ah si loo horumariyo afka Hooyo.

Kooxaha fanka Soomaaliyeed qaarkood ayaa intii ay Munaasabaddan socotay ka qaaday heeso wadani ah oo u badnaa kuwa lagu baraarujinayo bulshada, gaar ahaan dhalinyaradda oo ku saabsan siddii ay kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen horumarka iyo nabadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com