War Deg Deg Ah: Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Duleedka Muqdisho

Waxaa goordhaw qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay Duleedka magaalada Muqdishpo gaar ahaan Deegaanka Garasbaaley.

Sida aan Wararka ku helnay gaari nuuciisu yahay NOAH oo laga soo buuxuyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu dhuftay kolonyo gaadiid ay wateen Ciidamada AMISOM kuawa oo marayay laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan Garasbaaley.

Qaraxan waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah, wali lama oga khasaaraha Ciidamada AMISOM kasoo gaaray qaraxan lagu weeraray.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha qaraxan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com